MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André Jr.
Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha.
Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta haatan ka jirta Soomaaliya, taas oo saameyn ku nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed.