Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasimaha Nabad Sugidda maamulkaasi

0

GAROOWE (SMN)  – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here