Madaxweynaha Puntland oo magacaabay wasiiro cusub iyo ku xigeeno

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda   shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Wuxuu xeeriyay :

  1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Puntland.
  2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.
  3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Puntland.
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland.
  5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here