Madaxweynaha Puntland oo saaka ku wajahan magaalada Gaalkacyo + Ujeedka

0

Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan gudaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, isaga oo xalay ku hoyday gudaha degmadaasi.

Deni iyo kolonyada la socota ayaa la filayaa in saacaha soo socda ay usoo gudbaan dhanka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Ujeedka safarka madaxweynaha Puntland ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo haatan ka socota magaalooyinka maamulkaasi.

Sidoo kale Deni ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato maamulka degmada, saraakiisha ammaanka iyo qaybaha bulshada, isaga oo la sameyn doono wada-tashiyo ballaaran.

Puntland ayaa u diyaar garoobeyso doorashooyin guud oo ku soo foodleh, taas oo uu haatan ka taagan yahay muran xoogan oo ku aadan hanaanka loo wajahayo doorashadaas oo ay haatan walaac ka muujinayaan ururada siyaasadda ee ka jira maamulkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana haatan ay Puntland gashay xaalad culus, kadib markii siyaasiyiinta mucaaradka ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen magaalada Garoowe ee xarunta goblka Nugaal, kuwaas oo uga dhawaaqay madal ay ku mideysan yihiin, si ay ugu wajahaan doorashada loo diyaar garoobayo ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here