Madaxweynaha Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Sheekh Ismaaciil

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo  dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Ismaaciil Maxamed Cigaal.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekhu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga rajeeyay in hoygiisa ka yeelo Janatul Firdosa.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Ismaaciil Maxamed Cigaal. Sheekhu  waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa inta badan ku bixiyay fidinta diinta islaamka.”

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here