Madaxweynaha Somaliland oo maanta gaaray dalka Jabuuti + Ujeedka

0

HARGEYSA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa gaaray waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Biixi waxaa safarkan ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Keyd iyo Wasiirka Dhalinyarada, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Booqashada wafdiga Somaliland ee uu horkacyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa qaadan doonto maalmo kooban, sida ay shaacisay madaxtooyada Somaliland.

Socdaalka madaxweyne Biixi ee Jabuuti ayaa ku soo beegmaya ayadoo haatan dalkaas uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, waxaa la filayaa in dhawaan la sii amba qaado wadahadallada u dhexeeyo labada dhinac, ayada oo ay qaban qaabinayaan dowladaha Turkiga iyo Norway.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here