Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-hadal la yeeshay Amiirka dalka Qatar

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa yeeshay wadahadal dhanka khadka taleefoonka ah, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee dalkaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay hormarinta xiriirka haatan ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka mid ah wadamada Carbeed ee Khaliijka.

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen arrimaha ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, gaar ahaan isbedelka dhacay15-kii bishii hore ee May ee sanadkan 2022-ka.

Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxweynaha, isaga oo u ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, waxayna 5-tii sano ee lasoo dhaafay saaxib laheyd Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here