Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan degmada Xarardheere + Ujeedka

0

XARARDHEERE (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socdo uu ku wajahan yahay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

 

Xasan Sheekh ayaa kormeer ku tegi doono furimaha dagaalka ee degmadaas oo dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab, kadib howlgallo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu Xarardheere u tegayo sidii uu u dhiira-gelin lahaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan magaaladaas.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socdo diyaar garow ay wadaan mas’uuliyiinta deegaanka iyo saraakiisha ciidamada, maadaama uu booqanayo madaxweynaha dalka.

Sidoo kale waxaa degmadaan maalmo ku sugan madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa horey u booqday furimaha dagaalka ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu jabiyay Al-Shabaab.,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here