Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo ka bilaabay magaalada Garoowe + ujeedka

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa kulamo wadatashi ah ka bilaabay magaaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qasriga madaxtooyada Garoowe kulamo hordhac ah kula yeeshay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo ahaa is rag ku aadan booqashada madaxweynaha uga bilaabatay halkaasi.

Sidoo kale maanta ayaa la filayaa in la sii amba qaado wadahadalladaan oo diiradda lagu saarayo mad-madowga soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo soo ifbaxay, kadib soo dhisidii xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Puntland ayaa horey saluug uga muujisay tallaabada madaxweynaha uu qaaday, kadib doorashadii 15-kii May, gaar ahaan qaabka uu u wajahay dhismaha dowladdiisa cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here