Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay haatan bilaabeen guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka socdo HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna weeraro dhanka cirka ah ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here