Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku sii jeeda dalka Jabuuti + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu ka qayb-galayo munaasabadda xiritaanka Shirka Heritage ee ka socdo dalkaasi.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in kulan gaar ah uu la yeesho dhiggiisa waddanka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in safarka Jabuuti kadib uu madaxweynaha usii gudbi doono magaalada Washington oo uu uga qayb-galayo shirka Afrika iyo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa horay booqashooyin kala duwan ugu kala bixiyey labadaan dal oo uu haatan isku sii marayo, isaga oo u socday ujeedooyin kala duwan oo muhiim u ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here