Madaxweyne Axmed Madoobe oo u safray magaalada Garoowe + Ujeedka

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo wafdi uu horkacayo ayaa goordhow kasoo duulay garoonka Kismaayo, iyaga oo kusii jeeda magaalada Garoowe.

Axmed Madoobe ayaa safarkiisa waxa uu la xiriiraa kulan gaar ah oo uu la leeyahay dhiggiisa maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabudllahi Deni.

Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ay ka wad-hadli doonaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana la guda galayo soo xulista xildhibaanada Aqalka Hoose oo muhiim u ah doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here