Madaxweyne Guudlaawe oo magacaabay golaha wasiirada cusub ee HirShabelle

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Magacaabay xubnaha cusub ee golaha wasiirada ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Liiska golaha wasiirada cusub ayaa ka kooban 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 26 Wasiiru Dowle.

Magacaabidda golaha wasiirada Hirshabelle ayaa qaadatay muddo labo sano ah, tan iyo markii Madaxweyne Cali Guudlaawe la doortay dhammaadkii sanadkii 2020-kii, waxaana muddadaas dib u dhigay khilaafaad ka jiray HirShabelle, oo ay ugu horreysay tabashadii reer Beledweyne.-

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here