Madaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaraha ee Adan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wasiirro ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ugu qeyb gali lahaayshirka golaha wadatashiga qaran oo maalinta bari ka furmi doona magaalada Muqdisho, sida uu sheegay  Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi.

Guudlaawe waa Madaxweyne goboleedkii labaad ee yimaada caasimadada, waxaana ka horreeyey Axmed Madoobe oo isna saaka lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here