Madaxweyne Deni oo shirweyne ka daah-furay magaalada Garoowe

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Garoowe.

Saciid Deni ayaa boggaadiyay shirweynaha Bangiyada, wuxuuna rajeeyay in hadii siwanaagsan loo hagaajiyo nidaamka Bangiyada dalka in dalku horumar fiican uu gaari doono.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay madaxda Bangiyada ee Shirka ka qeybgalaysa in Dowladda Puntland ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Shirweynaha Bangiyada Islaamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan illaa 10 Bangi oo ka kala yimi guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Madaxda Bangiyada iyo Khuburo ku takhasustay dhaqaalaha adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here