Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray dhismaha bangiga Puntland

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Bangiga waxaa dhistay Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay Madaxweyne Deni  3-dii March 2020, waxaana lagu fuliyey dhismaha xaruntan  kharashaadka lagu helay beekhaaminta dakhliga maamulka.

Dhismaha xarumaha dowladdu waxay qeyb ka tahay tayeynta iyo horumarinta adeegyada loo hayo shacab-weynaha Puntland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here