Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble oo heshiis gaaray

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo wada-hadal gaar ah yeeshay ayaa xal ka gaaray arrimihii ay isku hayeen.

Labada mas’uul ayaa isku raacay qodobo dhowr ah, waxaana ka mid ah:-

1- In Cabdullaahi Maxamed Nuur loo daayo Wasiirka Amniga.

2- In Gen. Bashiir Goobe Wasiir Dowle loo magacaabo.

3- In Yaasiin Fareey sii ahaado Taliyaha NISA, illaa Madaxweynaha uu soo magacaabayo Taliye la isla ogolyahay, golaha wasiiradana la marsiiyo.

4- In doorashooyinka la dardar-geliyo.

5- In kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hay’adaha Garsoorka dalka.

Wada-hadalladan guuleystay ayaa waxaa garwadeen ka ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here