Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan yeeshay

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa mid xasaasi ah.

Kulanka oo ahaa mid foolka fool ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafya Gareen).

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu ahaa mid hordhac ah, isla-markaana billow u ah kulamo looga hadlayo khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay muujiyeen tanaasul, waxaana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa saameyn ku yeelatay geeddi socodka arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here