Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ku aaddan 1-da luuliyo u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u weyneeyeen, uguna dabbaal-degeen 61-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobollada dalka iyo Midowga labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee gumeystuhu uu kala qeybiyey.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda halgankii dadka Soomaaliyeed ay u soo mareen midnimada iyo gobanimada dalkeenna, iyadoo ay hoggaaminayeen dadaalkaas dhallinyaro naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen dowladnimo, mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

“Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda, waxaana guuleystay waddaniyadda oo dhalisay gobanimo, midnimo, dowladnimo, sharaf iyo qarannimo buuxda, taas oo ku timid naf-hurnimada halgameyaashii Soomaaliyeed ee ka adkaaday afkaartii gumeystaha. Maantana wali waa ay nooshahay aragatida waddaniyadda.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay ku fara adeygaan midnimada, wadajirka iyo qarannimadooda oo ah tan kaliya ay kula tartami karaan dhiggooda caalamka isaga oo u tusaaleeyay dhibaatooyinkii laga dhaxlay qaran jabkii nagu dhacay oo ay sababtay qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey, Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Xildhibaanno, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Maxamed Cabdi Yusuf, dhallinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here