Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

0

Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda meel kasta oo ay joogaan.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinaynaa sida maskax iyo muruqba ay u geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna, laga soo bilaabo dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku leeyihiin halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Waxa ay maanta oo kale mudnaayeen maamuus, dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin billad shara, laakiin nasiib xumo saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi.

Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada.

Dhammaan caqabadaha ku xeeran dalkeenna waxa ay inagu waajibinayaan in aan laba laabno dadaalkeenna iyo waxqabadkeenna, innaga oo mideynayna muruqeenna iyo maankeenna, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.

Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, annagoo mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Waxaan xaqiijinay inaan siinno Shaqaalaha Dowladda xuquuqdooda mushahar bil walba, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinay ansixinta xeerarka iyo shuruucda la xiriira Shaqaalaha, annagoo xoojinnay Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaan Alle naxariistiisa Jannatul Fardows u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here