Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Abwaan Sooraan

0

Farriinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee tacsida geerida Alle ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan).

 Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyoodey magaalada Burco.

Abwaanku Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka da’yarta Somaaliyeed, isagoo waqtigiisii iyo hibadiisii faneed u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka qabyaaladda, musuqmaasuqa, cooladaha sokeeye, adeegsiga maandooriyaha iyo xaalufinta deegaanka.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo imaanna uu ka siiyo qoyskiisa, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Aamiin, Aamiin, Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here