Madaxweyne Farmaajo oo saaka u amba-baxay dalka Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamwd (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u safray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa qeyb geli doono caleema saarka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed.

Sidoo kale Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaas iyo kuwa kale ee ka qeyb galaya munaasabadda ka dhaceysa Addis Ababa.

Safarka Farmaajo ee Itoobiya ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here