Madaxweyne Farmaajo oo u amba-baxaya magaalada Kampala + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalmaha soo socda u safri doono magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Farmaajo ayaa Kambala uga qeyb-galaya shir ay leeyihiin madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda Itoobiya iyo mida dalka Sudan.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo shirkaasi, taas oo uu uga hadli xasaradaha ka taagan labadaasi wadan.

Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaal u dhexeeya dowladda iyo jabadda TPLF, halka Sudan uu ka dhacay inqilaab ay sameeyeen saraakiil ka tirsan milatariga dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here