Madaxweyne Farmaajo oo wada-hadallo la yeeshay Amiirka dalka Qatar

0

Madaxweynaha Soomaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Shiikh Tamiim Bin Xamad Al-thani ayaa qadka telefoonka uga wada hadlay xoojiinta xiriirka labada dal.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xiriirka xoogan ee haatan ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Farmaajo iyo Shiikh Tamiim Bin Xamad ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ee billowday.

Sidoo kale labada dhinac ayaa wada-hadalkooda uga arinsaday xaaladda guud ee gobalka iyo tan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here