Madaxweyne Geelle oo ku soo wajahan Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah uga billaabaneysaa caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Sidoo kale waxaa la xiray dhaq dhaqaaqa guud isku socodka gaadiidka iyo duulimaayada garoonka Aadan Cadde, sababo la xiriira imaashaha madaxweynaha dalka Jabuuti.

Labada madaxweyne ayaa ka wadahadli doono arrimo dhowr ah, sida xiriirka labada dal, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale.

Booqashada Geelle ayaa ku soo aadeysa, ayada oo haatan Muqdisho ay ku wada sugan yihiin hoggaamiyeyaasha maaamul goboleedyada oo ka qaybgalaya shirka Golaha Wadatashiga ee ka socdo Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here