MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geell oo maanta khudbad u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweyne Geelle oo marka hore u dardaaran u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka ayaa soo hadal qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay heystaan khubaro ajaaniib ah oo dalka kasoo gala dhanka xeebaha, sida uu hadalka u dhigay.
“Xeebta waxaa ka soo daga khubaro, yay khubaro u yihiin? Waa Al-Shabaab” ayuu yiri madaxweynaha dalka Jabuuti
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan rajenayaa in aan iska dul qaadno culeyska nasaaran”.