Madaxweynaha HirShabelle oo soo saaray liiska musharixiinta Aqalka Sare

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shaaciyey liiska xubnaha musharixiinta golaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Liiskan oo ah mid aad loo wada sugayey ayaa waxaa kasoo dhex-muuqday siyaasiyiin saameyn leh oo u tartamaya ka mid noqoshada golaha aqalka sare ee dalka.

Kuraasta intooda badan waxaa ku tartamayo 3 illaa 6 musharrax, taas oo ka dhigeysa inay HirShabelle noqotay maamulkii ugu horreeyey ee doorashada ka dhiga mid furan.

Sidoo kale kursiga ugu saameynta badan ayaa noqday kan haatan uu ku fadhiyo Muuse Suudi, waxaana isku soo taagay:-

1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Cabdullaahi Sheekh Xasan
3- Axmed Xasan Caddo
4- Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax
5- Dr. Xasan Caddaay Cali

Kursiga labaad ee saameynta leh isna waa midka uu haatan ku fadhiyo Dr Dufle, waxaa  isku soo sharraxay xubnaha kala ah:-

1-Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle)

2-Raage Xasan Cismaan (Xuuti)

3-Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Maamulka HirShabeelle ayaa ahaa mid kale kaliya ee harsanaa, ayada oo maamul goboleedyada kale ay qaar soo dhameystireen doorashada Aqalka Sare, halka qaar kalena lagu doortay qeyb ka mid ah kuraasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here