Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo magacaabay guddi cusub

0

GAROOWE (SMN) -Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa guddi u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee maanta ka qabsoomay deegaanka Hadhwanaag ee lagu go’aamiyey xabad joojin iyo kala rarista ciidan beeleedyada ku diriray deegaanka Saax-meygaag.

Guddigan ayaa kormeeraya in ciidan beeleedyada la kala geeyo Boocame iyo Birta-dheer.

  1. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Gudoomiye
  2. Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike. Xubin
  3. Gen:- Axmed Taajir. Xubin
  4. Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin
  5. Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin
  6. Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin
  7. Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin

Dhinaca kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaakulan gaar ah la qaatay odayaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag,  waxaana uu ku booriyey inay door saliim ah ka qaataan hirgelinta nabadda iyo fullinta qodobada shirka maanta kasoo baxay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland il gaar ah ku haynayso cidkasta oo isku dayda inay talaabo u qaaddo dhanka nabadgelyodarada, iyagoona la kulmidoona ciqaab adag, waxa uu ku adkeeyey in nabadda, wada-noolaanshaha, walaalnimada iyo deris-wanaagga loo hiiliye caqliguna shaqeeyo.

Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, masuuliyiin ka socotay Dowladda, isimo iyo waxgaradka ka qayb-galay shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here