Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo kormeer sameeyey

0

GAROOWE (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Banggiga Maamulka, isagoo u kuurgalay sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Banggiga iyo madaxda kale.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay masuuliyiinta Banggiga iyo shaqaalaha, wuxuuna faray in ay halkaasi kasii laba jiibaaraan adeega Banggigu u hayo dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here