Madaxweyne Lafta Gareen oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar ugu Maqnaa Dalka Nigeria ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada baydhyabo.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dalka Nigeria ku tagay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha ismaamulka Kaduna, waxana uu uu halkaasi kula qaatay kulamo is afgarad ah oo ku saabsan,Wadashaqayn,Iskaashi iyo  Mataaneyn Labada Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la filayaa in toddbaadkan uu uga warbixiyo golihiisa Wasiiradda socdaalkii uu ku tagay dalka Nigeria iyo waxii ugu soo qabsoomay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here