Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray degmada Ceelbarde + Ujeedka

0

CEELBARDE (SMN) -Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyey Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ukuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo u diyaar Garoobey Bilaabida howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanayo halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweynaha uu kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Ceelbarde, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here