Madaxweyne Lafta Gareen oo la kulmay wafdi ka socday QM + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo Wafdigiisa ay qeyb ka ahaayeen Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel-gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here