Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo loo sameeyey muddo kordhin horleh

0

HARGEYSA (SMN) – Golaha Guurtida Somaliland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa maanta muddo kordhin cusub u sameeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Golaha oo codeyn gacan taag ah sameeyey ayaa muddo labo sano ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Sidoo kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa dhankooda ku darsaday 5 sano oo muddo xiloodkooda ah, waana golihii u horreeyey, mana la bedelin, tan iyo aas aaskoodii.

Doorashada Somaliland ayaa ku beegneyd 13-ka bisha November, balse waxaa go’aanka muddo kororsiga ka soo horjeeda xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here