Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo si kulul ugu jawaabay Puntland

0

HARGEYSA (SMN) – Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Somaliland oo maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si kulul ugu jawaabay Puntland, ka gadaal markii xubno ka tirsan golaha wakiilada maamulkaasi ay soo jeediyeen in Somilanad lagu daro liiska argagixisada, iyaga oo ku eedeyey dhibaateynta dadka shacabka ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aysan fileyn hadalka ka soo yeeray Puntland, isaga oo tilmaamay inay kala dhexeyso darisnimo iyo wanaag.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in markii hore ay arrintu ka socotay magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Biixi ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay muhiim tahay in la dhowro walaaltinimada, isaga oo xusay inay Soomaaliya u rajeynayaan xasilooni & nabad waarta.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada todobaadkan gudihiisa xuno ka tirsan baarlamaanka Puntland ay ku taliyeen in liiska argagixisada lagu daro Somaliland oo ay u jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan dadkii shacabka ahaa ee dhowaan laga raafay maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here