HARGEYSA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay shaaciyay xilliga ay dhaceyso doorashada maamulkaasi, kadib khudbad uu ka jeediyay furitaanka Horyaalka Kubadda Cagta Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2023 uu noqon doono sanad doorasho, isla-markaana ay tartami doonaan ururada siyaasadda.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is diiwaangelinta ay bilaabaneyso 28 bishaan aynu ku jirno December ayna socon doonto illaa 28 bisha soo socota ee Janaayo 2023-ka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiintaba inay u diyaar garoobaโธan doorashooyinkaasi, ayna ilaaliyaan xasiloonida iyo kala dambeynta.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID ay ku dhaleeceeyeen xukuumadda inay ka gaabisay doorashada, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen muddo kororsiga Muuse Biixi.