Madaxweyne Siciid Deni oo loo diray dalab la xiriira doorashada Aqalka Sare

0

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha maamulkaasi Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Muuse Maxamed ayaa waxaa  Deni looga dalbaday inuu soo saaro liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii lagu heshiiyey qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, loona baahan yahay in deg deg loo qabto doorashada.

Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulladii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, halka laga sugayo inay guda-galaan maamullada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here