Madaxweyne Qoor Qoor oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid General Subxaanyo

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid AUN General Cabdulqaadir Cali Diiriye (General Subxaanyo) oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa sidoo kale magac iyo maamuus ku dhex lahaa bulshada reer Galmudug iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed .

“Aniga oo ku hadlaaya magaca dowladda iyo shacabka Galmudug, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Gen. Cabdulqadir Cali Diiriye. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka waraabiyo janadul Firdowsa,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdikaariye (Qoor Qoor).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here