Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo ka bilaabay magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-qoor iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, isaga oo kulamo ka bilaabay halkaasi

Wafdiga Madaxweynaha oo kasoo Ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb waxaa Afaafka hore ee Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweyay Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cismaan Cabdulahi Maxamed (kaniif) oo galinkii hore ee maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay Gaalkacyo kulamo kula qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo Waxgaradka ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladada Gaalkacyo, gaar ahaan arrimaha ammaanka ee Koonfurta magaaladaasi oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here