Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho, wuxuuna maanta la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Soomaaliya Anita Kiki Gbeho

Qoor Qoor yo Anita Kiki ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo barnaamijka horumarinta Galmudug.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa iska xog wareystay xaaladda saameynta ka dhalatay abaaraha haatan ka jira guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa horay Muqdisho ugula kulmay safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar, isaga oo kala hadlay taageerada ay siiyaan Soomaaliya arrimaha maamulka Galmudug, gaar ahaan amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Shabaab.

Kulamadaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Galmudug ay isku diyaarineyso dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba, Qoor Qoor ayaa gudaha caasimadda uga qayb-galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmo ka hor lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here