MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.
Qoor Qoor iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo taageerada horumarineed ee Qatar ka wado Galmudug.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa danjiraha iyo dowladda Qatar uga mahadceliyay garab istaaga dowlada qatar ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.