Madaxweyne Qoor Qoor oo war ka soo saaray geerida Nabadoon Xasan Cilmi

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa uga tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Allaha u naxariistee nabadoon Xasan Cilmi Yaxye oo maanta magaalada Muqdishu ku geeriyooday.

Nabadoonku wuxuu door weyn ku lahaa dhismaha dowladnimadda Galmudug, nabadeynta iyo dib uheshiisiinta bulshada reer Galmudug.

Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Xasan Cilmi Yaxye, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka & qaraabada uu ka baxay.

Innaa Lillaahi wa Inaa iIeyhi Raajicuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here