Madaxweyne Saciid Deni oo kulan la yeeshay saraakiisha ammaanka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Taliska Ciidanka Booliska ee maamulkaasi

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Deni ayaa warbixin amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Booliska, wuxuuna boggaadiyay sida ciidamada ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin amniga.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha maamulka Puntland faray taliska ciidamada Booliska in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here