Madaxweyne Deni oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii sirdoonka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan ( Jeyte), sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kalsoon yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Deni uu shaqada ka joojiyay labada agaasime ku xigeen ee Hay’adda PISA, Maxamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku simaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee PISA u magacaabay, Maxamed Nuur Jaamac oo horey u ahaa Hoggaanka Baarista Sirdoonka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here