Madaxweyne Saciid Deni oo tababar u soo xiray ciidamo cusub + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta tababar usoo xiray dufcadii 4-aad oo Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo muddo Lix bilood ah tababar ku qaatay Dugsiga tababarka Ciidamada ee Xorgoble.

Deni ayaa u hambalyeeyay Ciidamada maanta tababarka dhameystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharadii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhim ah ka qaadanaya sugida amniga iyo ladagaalanka maan dooriyaha.

Ciidamada Booliska ah ee maanta tababarka loo soo xiray oo ka badan 700 oo Askari oo isugu jira wiilal iyo gabdho qeybtood aqoon Jaamacadeed leeyihiin, waxay ka kala yimaadeen Gobolada Puntland waana dufacadii 4-aad oo Ciidamo Boolis ah ee ay Dowladdan soo saarto.

Dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidamada waa ballan qaadkii Madaxweyne Deni, ee xiligii doorashada oo uu Madaxweynuhu uga dhabeeyay Bulshadiisa, waxaana taasi horseeday isbedel wanaagsan oo ku yimi Ciidamada iyo guud ahaan Amniga Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here