Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegayo dalka Itoobiya + ujeedka

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa la filayaa in todobaadka soo socda ay booqasho rasmi ah ku tegaan dalka Itoobiya.

Madaxweyne XasanSheekh ayaa casuumaad ka helay dowladda dalka Itoobiya, waxayna booqashadiisa qaadan doontaa muddo laba cisho ah, gaar ahaan 28-ka iyo 29-ka bishaan September ee 2022-ka, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu wadahadallo la yeelan doono ra’iisul wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed oo ay ka wada arrinsanayaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayada oo haatan uu jiro mad-madow u dhexeeyo labada dowladood oo daris ah.

Sidoo kale waxaa la filayaa in labada dhinac ay diiradda saaraan wada shaqeynta iyo hagaajinta xiriirka labada dal, kadib isbeddelkii siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

Addis Ababa ayaa saluug xoogan ka muujisay xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, kadib booqashadii uu Xasan Sheekh ku tegay Masar oo ay Itoobiya isku hayaan arrinta Wabiga Nile oo muran iyo khilaaf ka dhex-dhaliyey labada dhinacba.

Safarka madaxweynaha ayaa aad loo hadal hayaa, maadaama Itoobiya ay aad isugu dhawaayeeyn madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaas oo looga adkaaday doorashadii dhacday 15-kii bishii May ee sanadkan.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u booqday inta badan wadamada gobolka oo ay ku jiraan kuwa dariska, sida Jabuuti, Kenya, Eritrea, Tanzaaniya iyo Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here