Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan dalka Uganda + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadka soo socda ku wajahan magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Shabelle u sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay Muqdisho ka amba-bixi doonaan 8 bishaan aynu ku jirno ee August.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira hagaajinta xiriirka labada dal, isaga oo sidoo kale wadahadallo la yeelan doono dhiggiisa dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doono jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u jooga caasimadda Kampala ee dalka Uganda.

Booqashada madaxweynaha oo noqoneysi tiisii 8-aad, tan iyo markii dib loo doortay ayaa ku soo aadeyso, ayada oo haatan la magacaabay golaha wasiirada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here