Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in baaris lagu sameeyo weerarkii Villa Rays

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in baaris deg-deg ah lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa Raysa oo ku dhow xarunta madaxtooyada, kaas oo ay maalin kahor weerareen Al-Shabaab

Madaxweynaha ayaa u xil-saaray baaritaankan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana ay isla xalay maxkamadu bilowday baaritaanka, iyada oo tegtay hoteelka.

Baarista kadib ayaa la filayaa in ay tallaabo adag qaado dowladda Soomaaliya, taas oo la xiriirta sugidda amniga iyo cid qaadata mas’uuliyadda dhibkii ka dhacay halkaasi.

Weerarkan oo saacado badan qaatay ayaa dhaliyey tuhun xoogan, maadaama uu ka dhacay goob amnigeeda, si weyn loo ilaaliyo ayna ku yaallaan koontaroolo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here