Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiig shubay, baaqna u diray shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadii ka dhacay agagaarka Zoobe.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in loo midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda; biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaareen dhaawacyada, isaga oo dhankiisa ku deeqay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gurmadka qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here