Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin u diray Qabaa’ilka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale digniin u diray qabaa’ilka Soomaaliyeed ee mararka qaarkood ku dagaalama Gobolada Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan la aqbalin karin in dalka uu ka dhaco dagaal aan la lagula jirin Kooxda Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu carabka ku adkeeyay in talaabo adag laga qaado doono qabiilada ku dagaala Gobolada dalka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha wuxuu si kulul uga hadlay dilalka iyo isbaarooyinka soo noq noqday oo ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda.

Waxuu intaasi ku daray in dowladdiisa aysan marnaba aqabli doonin dilalka loo geysto Shacabka iyo isbaarooyinka la dhigto qeybo ka mid ah Gobolada dalka.

Hdalkan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka sheegay banaanbax loog soo horjeedo Al Shabaab oo Shalay lagu qabtay Garoonka Eng. Yaroow ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Muqdisho ay ku dhiiradaan la dagaalanka Kooxda Al Shabaab oo uu sheegay in yihiin Koox waqtigoodu dhamaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here