MW Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimo xasaasi ah kadib khudbad uu jeediyay

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxeynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in sanandkan 2023-ka uu noqonayo sannadka dib u xoraynta iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah,  kadib khudbad uu maanta u jeediyay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amniga ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dawladdiisu ay hiigsanayso sidii ay mas’uuliyadda amniga waddanka ula wareegi lahayd bisha Decembar sannadka 2024-ka, markaas oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray madaxweynuhu in dowladda federaalka ay dhammaystiri doono hannaanka dayn cafinta sannadkan bartamihiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay in Soomaaliya ay sannadkan ku biirto suuqa ganacsiga Bariga Afrika ee Eastern Africa Community, iyo in sidaasi oo kale ay Soomaaliya danaynayso inay qayb ka noqoto suuqa Maraykanka iyo Afrika ee badeeccada canshuur-dhaafka u sameeya wax soo saarka Afrika ee AGOA.

Khudbaddan ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah islamarkaana uu dalka ku jiro dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula wareegeen degmooyin iyo deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here